Natiijada imtixaanka KCPE-da oo galabta lagu dhawaaqay

0
655

Waxaa galabta shaaca laga qaaday natiijada imtixaanka dugsiga hoose dhexe ee fasalka siddeedaad ee KCPE-da.
Faith Mumo ayaa noqotay ardayga ugu horreeya ee imtixaanka KCPE-da ee sanadka 2020-ka iyada oo heshay 433 buundo.
Waxaa kaalinta labaad soo galay arday lagu magacaabo Wesonga Nanzala oo heshay 432 buundo halka Muriithi Angel Gakenia iyo Wanyonyi Samuel ay isla qabsadeen kaalinta saddexaad iyagoo helay min 431 buundo.
Dhamaan 3-da arday ee kaalmaha hore soo galay ayaa wax ka baranayay dugsiyada dowladda.
8,091 oo kamid ah arday u fadhiistay imtixaaanka KCPE-da ayaa helay in kabadan 400 oo buundo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada imtixaanka KCPE-da ee 2020-ka isaga oo sheegay in ardayda sanadkan imtixaanka u fadhiistay ee ka natiija wanaagsanyihiin kuwii sanadkii hore iyadoo xitaa saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay jadwalka waxbarasho.
Mr. Magoha ayaa intaa ku daray inuusan jirin doonin arday seegi doona dugsiyada sare.
Natiijada maanta la shaaciyay ayaa ahayd midii sanad dugsiyeedkii 2020-kii oo ay ardayda sameyeen bishii hore saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay jadwalka waxbarasho ee wadanka awgeed.
Ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ayaa la filayaa in bisha toddobaad ee sanadkan ay ku biiraan dugsiyada sare.
1, 181,725 oo arday ah ayaa imtixaanka shahaaddiga ee KCPE-da sameeyay intii u dhexeysay 22-kii ilaa 24-kii bishii saddeexaad ee sanadkan.