Xoghayaha waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka Lloyd J Austin oo khadka taleefoonka kula xiriiray dhigiisa Israa’iil, Yoav Gallant ayaa ku sheegay inay qasab tahay in la kordhiyo gargaarka baniaadannimo ee loo fidinaya shacabka Qaza.
Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen maxaabiista la isdhaafsanaya iyo heshiiska ay gaareen Israa’iil iyo Xamaas.
Austin ayaa ururrada dowladeed iyo kuwa gaarka ah ugu baaqay in aan la hor joogsan bixinta gargaarka iyo in aan colaadda la sii hurin.
Hasa ahaate bayaanka waaxda difaaca ee Maraykanka laguma xusin in labada wasiir ay ka wada hadleen in heshiiska Israa’iil iyo Xamaas uu noqon karo mid sii jira.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Qatar ay shaacisay in is-afgaradkan oo ay mudadiisu horay ku ekeyd shalay in lagu daray labo cishe oo dheeraad ah.