Booliska oo billaabay howlgallo la xiriira dhacdo maalmo ka hor dad lagu dilay Lagdera

0
553

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Garissa Meru Mwangi ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay guda galeen howlgallo lagu raadinaya shakhsiyaad maalmo ka hor saddex qof ku dilay tuulada Kambi Samaki ee deegaan baarlamaneedka Lagdera.
Ciidamada oo ka kala socdo ismaamullada Garissa iyo Isiolo ayaa isugu jiro kuwa xuduudaha ilaaliya, booliska , ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da iyo booliska keydka.
Waxay ku dadaalayaan in ay gacanta ku soo dhigaan burcad ka kooban ugu yaraan 70 qof oo weerarkaas lagu eedeyay galinkii dambe ee Axaddii la soo dhaafay.
Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa la wareegaya hubka sida sharci darrada ah ay u haystaan shacabka.
Guddoomiyaha Garissa Meru Mwangi oo goobta tagay ayaa falka dhacay ku tilmaamay mid nasiib darro ah.
Waxaa uu wacad ku maray in laamaha ammaanka ee dalka ay sameyn doonaan wax kasta oo suurtagal ah si dadkii weerarka gaystay gacanta loogu soo dhigo.