Waxay maanta ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ka dib markii galinkii dambe ee shalay meelo kala duwan oo ka mid ah gudaha Kenya iyo caalamka kale laga arkay bisha.
Culimada gobolka waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera sidoo kale Nairobi oo soo xiganaya dad lagu kalsoon yahay oo bisha arkay ayaa xalay iclaamiyay in maanta la soomayo.
Meelaha bisha Ramadaan laga xaqiijiyay waxaa ka mid ah xaafadda College ee Garissa, god-cadde oo ka tirsan Wajeer iyo Voi oo ka mid ah ismaamulka Taita Taveta.
Culimada xalay iclaamiyay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan waxaa ka mid ah Sheekh Maxamad Cabdi Umal , Sheekh Maxamad Swalixu oo ah imaamka masjidka weyn ee Jamia ee Nairobi , Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey, Sheekh Cabdulahi Buullo, Dr. Adan Yuunis oo ah guddoomiyaha golaha saree e muslimiinta dalka ee SUPKEM ee gobolka waqooyi bari iyo Sheekh Axmad Suudaani.
Qaadiga guud ee dalka Sheekh Axmad Shariif Muxdhaar ayaa dhankiisa shaaciyay in berri oo Arbaco ah ay tahay koowda bisha Ramadaan.
Daaciga caanka ah ee Mufti Menk ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay barta rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in ay caadi tahay in gobollada kala duwan ay labo maalin oo kala ah soonka billaabaan iyada oo ay ku xiran tahay aragtida bisha , xilliyada iyo go’aamo kale.
Waxaa uu qoraalka ku daray in bisha Ramadaan laga arkay boqortooyada Sacuudi Carabiya balse aan xalay laga xaqiijin koonfurta qaaradda Afrika.