Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalkaasi xilligaan iyo Kulanka u furmay Xildhibaannada Golaha Shacabka , kaas oo la sheegay in Xildhibaannada ku doonayay inay sameeyaan muddo kororsi.
Xubnaha Midowga Musharixiinta oo Warbaahinta kula hadlay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo in dalka uu ku wado meel ana wanaagsaneyn iyo xasilooni darro.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayo mudda kororsi aan sharciga waafaqsanayn, kaas horseedi doona fowda iyo burbur ay adagtahay in dib looga soo kabto.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa sheegay in uu socdo muddo kororsi aan shacri aheyn, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Ciidamada Qaranka ay ku kala qayb samaan xaaladda Siyaasadeed ee dalka.
Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Tilaabadii uu Maanta Taliyihii Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu uga digay in dalka aan la galin xaalad Cusub oo siyaasadeed.
Home Wararka Soomaaliya Midowga musharraxiinta oo sheegay in MD Farmaajo uu dalka horseedi doona fowda...