Khasaaro usugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, kaas oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magaalada baydhabo.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa Ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa oo isku qarxiyay Makhaayad lagu Magacaabo Suweys oo ku taal Magaalada Baydhabo xilli meel aan ka fogeen uu ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Dooyoow, balse uu ka badbaaday qaraxa.
Wararka la helay ee horudhaca ah ayaa waxaa ay sheegayaan in Afar Ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa halka 6 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira qaar kamid ah ilaalada Guddoomiyaha iyo dad Shacab ah.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa tegay Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa, iyada oo dadkii ku dhaawacmay qaraxa la geeyay Isbitaalka Weyn ee Magaalada Baydhabo.