Tirada dadka qaadanaya tallaalka caabuqa corona ee ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa lagu soo warramayaa inay tahay mid si aad ah u hoosaysa marka loo barbar dhigo dowlad deegaanada kale ee dalka.
Dadka qaatay tallaalka cudurka ee Lamu ayaa guud ahaan dhan 339 qof.
Caasimadda dalka ee Nairobi ayaa hoggaanka u haysa tirada dadka iska tallaalay caabuqa coronavirus taas oo dhan,137,171 qof,
Ismaamulka Nakuru ayaa ku jira kaalinta labaad waxaana guud ahaan fayraska looga tallaalay halkaas dad tiro ahaan gaaraya 27,103, Uasin Gishu waxaa qaatay tallaalka 21,382 halka dowlad degaanka Kiambu lagu tallaalay dad tiro ahaan dhan 19,432. Kisumu waa 14,337, Nyeri 12,774, Kajido 12,553, Mombasa 10,977, Kakamega 10,337, halka ismaamulka Murang’a ay qaateen tallaalka dad dhan 9,778.
Tani ayaa ka dhigan in dowla degaanka Lamu uu kaalinta ugu hoosaysa kaga jiro ismaamulada dalka marka ay timaado dadka qaadanaya tallaalka ka dhanka ah cabuqa .
Ismaamullada kaalmaha hoose kaga jira tirada dadka qaadanaya tallaalka ayaa kala ah Ismaamulka Marsibit 414, Tana River 496, Mandera 891, Kwale 932, isiolo 1,140, Garissa 1,319, Taita Taveta 1,526, Wajeer , 1,681, Turkana 1,812 galbeedka Pokot 1,891, Migori 2,144, Samburu 2,205, Makueni 2,668, Kilifi 2,698 iyo Ttharaka Nithi oo ah 2,951.
Kooxaha cafimaadka ee ilaa iyo hadda qaatay tallaalka ayaa dhan 110, 523 halka macalimiintu ay gaarayaan 59,906.