Ra’yi uruurin la sameeyay sanadkii 2022-kii oo lagu eegayay caafimaadka kenyaanka taasoo loogu magacdaray KDHS ayaa lagu ogaaday in kala bar ama boqolkiiba 50 ee tirada haweenka dalka ee wax bartay ee aan weli dhalmo goyn uu culeyskooda jireed yahay mid xad dhaaf ah.
Haweenkan ayay da’doodu u dhexeysa 20 ilaa 49 sano.
Waxay intooda badan haystaan tacliin dhaafsan midda dugsiga sare.
Marka la eego tirada dumarka ee aan waxba baran ee culeyska jirkooda uu badan yahay waa boqolkiiba 26.
Ra’yi uruurintan oo ay sameysay waaxda qaran ee tirokoobka ee KNBS ayaa muujinaysa in 6 ka mid ah tobankii haween ee weli ku jiro da’da dhalmada sidoo kalena hantiilayaasha ah ee wax bartay ay leeyihiin miisaan jireed oo ka badan intii loogu talagalay marka loo barbardhigo haweenka aan hantida badan lahayn balse ay dhibaatadan haysato oo ah mid ka mid ah shanti dumar ah.
Darasaadka waxaa ku cad in haweeneyda ay u badan tahay inay aad u cayisho boqolkiiba 43 haddii ay ku nooshahay magaalo marka loo barbardhigo dumarka ku nool deegaananda hoose oo lagu qiyaasay boqolkiiba 39.
Warbixinta ra’yi uruurinta KDHS ayaa shanti sanaba hal mar ah la soo saara.
Sidoo kale waxaa darasaadka lagu sheegay inay sare u sii kacday tirada haweenka ee uu miisaankoodu kordhay.
Tiradan oo sanadkii 2014-kii ahayd boqolkiiba 38 ayaa sanadkii hore gaartay boqolkiiba 45.
Intii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2022-kii waxaa boqolkiiba 14 ilaa boqolkiiba 42 kordhay tirada haweenka wax bartay ee isticmaala cuntooyinka aan caafimaad ahaan wanaagsanayn.
Waxay tani micnaheedu tahay in afar ka mid ah tobankii haween ee aqoonta leh ay cunaan cuntooyin aan caafimaad ahaan u fiicnayn.
Darasaadka waxaa sidoo kale lagu ogaaday in tirada ragga ee miisaankoodu badan yahay ay tahay boqolkiiba 19.
Tani ayaa qayb ka ah khatarrada sii kordhaya ee cudurrada ku saleysan hab nololeedka.
Sii hayaha xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Patrick Amoth ayaa arrinkan walaac ka muujiyay.
Miisaanka qofka oo kordho waxay sidoo kale ku xiran tahay da’da.
Tusaale gabdhaha qaangaarka ah inta u dhexeysa 15 ilaa 29 sano waxaa uu miisaanka jirdkooda kordhi karaa boqolkiiba 13 ilaa boqolkiiba 32 halka inta u dhexeysa 40 ilaa 49 sano uu sare u kici karo boqolkiiba 55.
Dr.Amoth ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dhallinyarada la baro dhaqamada wanaaagsan ee wax cunidda iyo inay si joogto ah dhaqdhaqaaq u sameeyaan si looga hor tago inuu bato culeyska jirkooda.
Yoolka labaad ee xeerka caafimaadka Kenya ee 2014 ilaa 2030-ka waxaa uu ku saabsan yahay yareynta culeyska xanuunnada raaga ee dhakhatiirta uu waqti badan uga baxo inay la tacaalaan.
Dr.Amoth ayaa sheegay in haddii xilli hore maalgelin lagu sameeyo ka hortagga xanuunnadan in Kenya ay maalgelin joogto ah u helaysa adeegyada kale ee caafimaadka.
Dhanka kale nafaqadu waxay aasaas u tahay caafimaadka iyo korriinka carruurta iyo dadka waawayn labaduba.
Waxaa qofka laga doonaya inuu qaato cuntooyin kala duwan.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in sidoo kale qofka laga doonaya inuu iska yareeyo cuntooyinka aan caafimaad ahaan wanaagsanayn iyo cabitaannada sonkorta leh.
Marka uu qofka qaato cunto caafimaad ahaan wanaagsan oo isku dheelli tiran waxay tani ka badbaadinaysa miisaanka badan, xad dhaafka ah iyo cudurrada raaga.
Cuntooyinka wanaagsan ee warbixinta lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah badarka, digirta ,caanaha ,hilibka cad sida midka kalluunka iyo digaagga , ukunta,khudaarta cagaaran,iyo miraha leh Fitamiinka A.
Haweenka carruurta nuujinaya ayaa si gaar ah ugu baahan fitimiinnada iyo macdanta muhiimka ah.
Haddii ay qofku ku yaryihiin nafaqooyinka muhiimka ah waxay tani saameyn ku yeelanaysa jirkiisa.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa laga soo xigtay in culeyska jirka ee qofka oo xad dhaaf noqdo ay saameyn aan wanaagsanayn ku leedahay caafimaadka dad badan.
Miisaanka badan ayaa qofka halis u gelin karo xaaladaha caafimaad ee saameeya taranka , inay haweeneyda dhibaatooyin la kulanto marka ay uurka tahay iyo cudurrada raaga sida macaanka , kansarka iyo xanuunnada saameeya wadnaha.