Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dalka Soomaaliya, Maxamad Cismaan Jawaari ayaa sheegay inay shanta bisha soo socota ee Oktoobar tagayaan magaalada Baydhabo, iyagoo ka duulaya heshiiskii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ku saabsanaa jadwalka doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.
Prof. Jawaari oo hoggaaminayay wafdi siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayna Kala hadleen in la fuliyo heshiiskii doorashada Koonfur Galbeed.
Hadalka Jawaari ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Koonfur Galbeed uu diiday in magaalada Baydhabo ay yimaadaan siyaasiyiinta mucaaradka, mana jirto wax dhaqdhaqaaq doorasho ah oo ka socda Koonfur Galbeed .
Madaxweyne Laftagareen ayaa Muqdisho ku saxiixay heshiiska golaha wadatashiga oo sheegaya in doorashooyinka dowlad goboleedyada la mideeyo oo la qabto dhammaadka sanadka 2024-ka.
Balse heshiiskaasi ayaa weli meel marin baarlamaanka Soomaaliya.