Baarlamaanka dalka oo ansixiyay in Mulele uu noqdo agaasimaha waaxda dacwad oogidda

0
243

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay magaca Renson Ingonga Mulele oo loo soo xushay inuu noqdo agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka.
31-dii bishii hore ayay ahayd markii ay shakhsigan turxaan bixiyeen xubnaha guddiga arrimaha garsoorka iyo cadaaladda ee baarlamaanka.
Waxaa warbixinta guddiga baarlamaanka hor geeyay guddoomiyahooda George Murugara.
Murugara ayaa mudanayaasha u sheegay in Mulele uu u qalmo inuu buuxiyo jagadii uu baneeyay Nuurdiin Xaaji maadaama uu ka soo baxay dhamaan shuruudihii lagu xiray ee dhanka aqoonta, khibradda , anshaxa , hufnaanta iyo ilaalinta dastuurka.
Mulele ayaa horay u soo noqday madaxa xafiiska dacwad oogidda ee ismaamulka Garissa.
Waxaa uu sidoo kale soo qabtay xilka ku xigeenka agaasimaha waaxda dacwad oogidda.