Hay’adda IMLU oo shaacisay tirada dilalka sharci darrada ah

0
227

Hay’ad aan dowli ahayn oo loo yaqaano IMLU ayaa shaaca ka qaadday in laga soo billaabo bishii Tobnaad ee sanadkii hore ilaa iyo bishii Siddeedaad ee sanadkan gudaha wadanka ay ka dhaceen 128 kiis oo dilal sharci darro ah.
Agaasimaha fulinta ee IMLU ,Peter Kiama ayaa sheegay in dhacdooyinka jir dilka iyo ku xadgudubka kale ee xuquuqul aadanaha ay gaareen 482 halka horay ay ahaayeen 232 .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay muujinaysa in aan la xakameyn sida khaldan ee ay ciidamada booliiska u adeegsadaan awoodooda.
Hay’adda oo ah mid madax bannaan ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqday inuu si buuxda u taageero maamullada qaabilsan baaritaannada iyo kormeerka si loo soo afjaro dilalka sharci darrada ah.
Peter Kiama ayaa xusay in aan mudnaan la siin hannaanka maaliyadeed ee maamulka kormeera howlaha booliiska ee IPOA tan iyo intii uu hoggaanka wadanka la wareegay isbeheysiga Kenya Kwanza.