Barasaabka ismaamulka Kisumu ahna guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha COG Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa sheegay in dowlad deegaannada ay hadda isticmaalayaan keliya 259 ah sariiraha lagu seexiyo bukaannada ay xaaladooda liidato ee uu soo ritay cudurka COVID-19.
Siyaasigan ayaa carrabka ku dhuftay in ismaamullada ay sidoo kale 6,159 goobood oo gaar ah ugu talagaleen dadka laga helay caabuqa corona.
Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa sheegay in guud ahaan 47-da dowlad deegaan ay leeyihiin 58 oo ah agabka bukaanka ka caawiyo neef qaadashada.
42 oo tiradan ka mid ah ayaa hadda shaqeynaya.
Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha barasaabyada dalka ayaa dhanka kale xusay in 41 ismaamul la gaarsiiyay 395, 096 oo kuuro oo ah tallaalka ka dhanka ah cudurka.
Dowlad deegaannadan ayaa ilaa iyo hadda bixiyay 341, 520 oo daawooyinkan ka mid ah.
Saraakiisha caafimaadka ayaa la siiyay 70,883, ciidamada ammaanka (120,975), macallimiinta (33,759) iyo shakhsiyaadka kale oo helay 115,903.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee dalka ay shaacisay xaalado cusub oo COVID-19 oo gaaraya 1,523 tani oo kiisaska cudurka ee Kenya isku celcelis ahaan ka dhigaysa boqolkiiba 20.5%.
Tirada guud ee dhimashada ka dhalatay xanuunka sii faafaya ee COVID-19 ayaa gaartay 2,276 ka dib markii ay dhinteen 18 qof oo dheeraad ah.