Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa war kasoo saaray shirkii Afisyooni uga socday Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalkaasi, kaasi oo Dowladda federaalka ay shaacisay in shirkaasi fashilmay ayna mas’uul ka ahaayeen fashilka Maamullada Puntland iyo Jubbaland.
War-saxafadeed ay soo saareen dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo uu saxaafadda u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timo-cadde) ayaa looga jawaabay eedda loo jeediyay labada maamul ee ah in ay sabab u yihiin fashilka ku yimid Shirkii Afisyooni.
Puntland iyo Jubbaland ayaa iska fogeeyay dhammaan waxyaabihii dowladda Federaalka ay ku eedeysay, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Labada maamul aysan mas’uul ka ahayn fashilka.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay war-saxaafadeedka in Jubbaland iyo Puntland aysan ogayn shir fashilmay, waxaana ay sheegeen Madaxweyne farmaajo uu maanta shirka soo xiray in la kala nasto balse ay ka maqleen wasiirka warfaafinta ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe inuu shirka fashilmay.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timo-cadde) oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Puntland iyo Jubbaland oo beeniyay in uu fashilmay shirkii Afisyooni