Suudaan oo sheegtay inay natiijo la’aan ku soo dhammaadeen wada hadalladii kala dhaxeeyay Itoobiya

0
615

Dowladda dalka Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay go’aan qaadashada ah oo ay muujisay xilligii la isugu yimid wada hadalladii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay dhinacyada isku haysta marinka webiga Nile.
Kooxda Suudan ku mataleysay wada hadallada ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in gorgortankii lagu qabtay caasimadda Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ee Kinshasa ay mira dhal noqon waayeen ka dib markii Itoobiya ay ka madax adeegtay.
Qoraalka ayaa intaasi ku daraya in Itoobiya ay diiday dhamaan waxyaabaha ay soo jeedisay Suudaan islamarkana la hor geeyn laha Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka si xal looga gaaro khilaafka ka dhaxeeya dowladaha Masar, Suudaan iyo Itoobiya.
Itoobiya ayaa dhankeeda la sheegay inay ku adkeysatay in wada hadal lagu wajaho hanaankii hore ee ay ku socdeen.
Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ayaa martigelisay wada hadallada la xiriira marinka biyaha ee webiga Nile kaas oo ay isku haystaan saddexda wadan.