Ciidamada SSC Khaatumo oo saaka dagaal uu dhexmaray ciidanka Somaliland, ayaa qabsaday saldhigii caanka ahaa ee Goojacadde.
“Hada waxaynu taaganahay Goojacadde, Alle saaka waana guuleysanay, nimankiina waa carareen Goodi ayay sii socdaan, hadda halkan aynu taaganahay waa taliskoodii ugu waynaa ee ay deegaanada SSC ku layaaheen” mid ka mid ah ragga ciidanka hoggaaminayay ayaa sidaa yiri.
Saldhiggan ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ciidamada Somaliland ku lahaayeen aaga magaalada Laascaanood, dagaalka ayaa la sheegaya inuu haatan sii xoogaystay, ciidamada SSC ayaa soo bandhigay maxaabiis iyo gaadiid ay ka qabsadeen ciidamada Somaliland.
Dagaalka ayaa saaka xilli hore billowday, iyada oo ay tahay markii koowaad ee ciidamada SSC ay qabsadaan saldhigyadan muhiimka ah.
Dagaalka ayaa wali soconaya waxaana la sugaya halka uu ku dhamaado, iyo in ciidamada SSC ay gacanta ku sii hayn doonaan goobahan muhiim ka ah ee ay qabsadeen.
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada SSC Khaatumo oo la wareegay taliskii ugu weynaa ee Somaliland ee...