Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kericho ayaa lagu wadaa in ay turxaan bixiyaan Lily Chepng’etich Ngok oo toddobaadkii hore loo soo magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka dowlad deegaankaas.
Haweeneydan ayaa golaha hor tagi doonto maalinka Talaadada ee isbuuca dambe 13-ka bishan si su’aalo loo weydiiyo.
Qoraal ka soo baxay golaha hoose ee Kericho ayaa lagu sheegay in turxaan bixinta haweeneydan ay billaaban doonto abaare 9:30 ee subaxnimo.
Shacabka ismaamulkaas ayaa lagu wargeliyay si looga hor tago faafidda caabuqa corona in kal-fadhiga golaha hoose ay si toos ah ugala socon karaan barta Facebook-ga.
Sidoo kale cid kasta oo doonaysa in ay gudbiso macluumaad ku saabsan Ms Chepngetich ayaa laga codsaday in ay qaab qoraal ah adeegsato.
26-kii bishii hore ayay ahayd markii barasaabka Prof. Paul Chepkwony uu Lily u soo magacaabay ku xigeenkiisa ka dib geeridii ku timid Susan Kikwai oo xilkan haysay.