Eedeysanayaal loo haysto ka ganacsiga daroogada oo maanta la soo taagaya maxkamadda Wajeer

0
516

Waxaa la filayaa in maxkamadda Wajeer ay maanta ka soo hormuuqdaan labo eedeysane oo loo haysto in ay musaafurinayeen nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka.
Dhawaan ayay ahayd markii shakhsiyaadkan la qabtay xilli ay isticmaalayeen baabuur siday maandooriyaha .
Ciidamada amaanka ayaa baabuurka iyo eedeysanayaasha ku qabtay degmada Hadaado ee ismaamulka Wajeer.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Wajeer Jacob Narengo ayaa sheegay in eedeysanayaasha oo la qabtay Axaddii maanta la maxkamadeyn doono maadaama shalay ay ahayd maalin fasax ah.
Waxaa uu dhanka kale soo saaray digniin ka dhan ah daroogada iyo hubka sharci darrada ah .
Ciidamada ku sugan deegaanada kala duwan gaar ahaan kuwa xuduudda ayuu ka dalbaday in ay waajibaadkooda sida habboon u gutaan.
Waxaa uu ku boorriyay in ay fiiro gaar ah u lahadaan gudbinta maandooriyaha iyo hubka sharci darrada ah.
Mr. Narengo ayaa carrabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka aynan marnaba ka daali doonin la dagaalanka badeecooyinka kontarabaanka ah iyo noocyada daroogada ee saameynta ku leh bulshada.
Daroogada ay ciidamadu qabteen ayaa lagu sheegay 93 xirmo oo xashiish ah.
Waaxda DCI-da ayaa magacyada eedeysanayaasha ku kala sheegtay Maxamad Coloow oo ah darawalka baabuurka iyo Ibraahim Burji .
Eedeysanayaasha ayay da’doodu tahay 41 iyo 26 sano jir.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen baabuurka oo loo sheegay inuu siday shamiito balse daroogo gudbinayay.
Baaritaan dheer ka dib ayay ciidamadu ogadeen in daroogada uu gaariga siday oo la rumeysan yahay in laga keenay dhanka wadanka Itoobiya oo loo soo waday Nairobi ay tahay 465 kiilogaraam.
Labada tuhmane ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska waxaana uu qorshuhu yahay in maanta lagu soo oogo dacwad ku aaddan ka ganacsiga maandooriyaha.