Hoggaamiyaha fulinta SSC-Khaatumo iyo ku xigeenkiisa oo lagu doortay magaalada Laascaanood

0
657

Hoggaamiyaha golaha dhexe ee fulinta SSC-Khaatuma iyo ku xigeenkiisa ayaa si rasmi ah loogu doortay magaalada Laascaanood.
Cabdulqaadir Axmad Aw-Cali (Firdhiye), 51 sano jir ku dhashay degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa loo doortay hoggaamiyaha fulinta SSC-Khaatumo, halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamad Cabdi Ismaciil Shiine.
Mas’uuliyiintan ayaa lagu doortay doorasho qarsoodi ah oo ay cod bixiyaal ka ahaayeen 45-ka xubnood ee golaha dhexe ee SSC-Khaatumo.
Hoggaanka fulinta SSC- Khaatuma waxaa ku tartamay Cabdulkaadir Firdhiye iyo Maxamad Ismaaciil Bulaale, waxaana 30 cod helay Cabdiqaadir Firdhiye, halka uu 15 cod helay Maxamad Ismaaciil Bulaale.
Ku xigeenka SSC-Khaatumo ayaa loo doortay Maxamad Cabdi Ismaaciil (Shiine), isagoo ka guulaystay oo la tartamay Dr. Aadan Cabdullaahi
Hoggaankan cusub ayaa la wareegaya dhammaan maamulka SSC oo awal madaxda dhaqanka dusha ka saarnaa iyo guddiga 33-da ahaa oo haatan howshoodii ay dhamaatay.
Hoggaamiyaha cusub ayaa ballanqaaday inuu muhiimadda koowaad siin doono in doorashada lagu doortay aynan yeelan raad kala qayb sanaan ah.
Waxaa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono midnimada shacabka SSC- Khaatumo iyo halganka xoraynta Sool.
Doorashadan waxaa ka qayb galay golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo, kuwaas oo iyagu soo dhisay golaha dhexe ee fulinta.
Waxaa sidoo kale ka qayb galay xildhibaano iyo ma’suuliyiin kale oo ka socday dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmad Cilmi Cismaan (Karaash) iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare, Timma Cadde ayaa si diirran u soo dhaweeyay hoggaanka cusub ee SSC-Khaatumo.