Nin uu dhashay dalka Japan ayaa lacag ku dhow 20 kun oo doolar ku qarash gareeyay sidii uu u noqon lahaa Eey sida ay baahiyeen warbaahinada caalamka.
Ninkan ayaa soo bandhigay markii ugu horraysay muuqaal uu ku baahinayo isaga oo lugeynayo oo shabahaya bahal muuqaal ahaan u eg Eyga oo kale.
Tallaabadan halista badan uu ninkan oo magaciisa lagu sheegay Toco soo bandhigay, kaas oo isticmaala barta Youtube-ka.
Si uu gaaro hankiisii aan caadiga ahayn ee ahaa inuu u ekaado Eey, waxa uu ka helay oo iibsday hu’ heer sare ah oo farshaxan ahaan u eeg Eyga taas oo ay sameysay shirkadda Japan laga leeyahay ee lagu magaacaabo Zeppet.Z.
40 maalmood ayay ku qaadatay shirkadda inay sameyso maqaar u eg Eeyga.
Waxaa la arkayay ninkan isaga oo marmaraya gurigiisa dhexdiisa oo muuqaal ahaanna u eeg Eey caadi ah oo la nool qoys gaar ah.
Muuqaalkiisii ugu dambeeyay ayaa ahaa isaga oo markii ugu horreysay u soo baxay meelaha bulshada isugu timaaddo ee fagaarayaasha ah, oo ku soo faafiyay bartiisa Youtube-ka, oo ay u daawatay ku dhawaad 7 milyan oo qof.
Toco ayaa kiraystay shirkad Japanese ah oo lagu magacaabo Zeppet sanadkii hore, taas oo caan ku ah abuurista farshaxannada, si ay u sameeyaan huga jilliinka ee qofka ama shirkaddi ka codsato.