Waxaa lagu soo warramayaa in ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray ee dalka Pakistan Imran Khan lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, ka dib eedeymo musuqmaasuq oo uu beeniyay.
Maxkamad ku taalla caasimadda Islamabad ee wadankaasi ayaa ku heshay dambi ah inuusan caddeyn lacag uu ka helay iibinta hadiyadaha dowladda.
Xaakimka maxkamadda ayaa amray in si degdeg ah loo soo xiro.
Qareenkiisa matalaya oo lagu magacaabo Intazar Xuseen ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ra’iisul wasaarihii hore Pakistan laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Lahore.
Kooxda Mr. Khan ayaa sheegtay inuu racfaan ka qaadan doono go’aankan.