Waxaa dalka Uganda maanta ka dhacayso doorasho madaxtinimo oo ay ku tartamayaan ilaa 11 musharax.
Musharaxiinta waxaa ugu cadcad Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaano Bobi Wine, oo doonaya inuu talada Uganda kala wareego madaxweynaha muddada dheer haya ee Yoweri Museveni.
Yoweri ayaa muujinaya rajo ah in markii 6-aad uu qaban doono hoggaanka Uganda.
Bobi Wine ayaa sheegay in hadii natiijada doorashada lagu shubto uunan aqbali doonin.
Madaxweyne Museveni ayaa dhankiisa digniin adag u diray cid kasta oo isku daydo inay khakhal geliso codeynta ama ay khiyaano sameyso isagoo xusay in ciidamada ammaanka ay tallaabo adag ka qaadayaan.
Codeynta Uganda ayaa dhacaysa iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada ku aaddan in doorashadu ay noqoto mid caddaalad ah.
Shalay ayay ahayd markii dowladda Maraykanka ay sheegtay inaynan doorashada kormeer ku sameyn doonin maadaama kormeerayaasheeda aan la siin oggolaansho.
In ka badan 18.1 milyan oo qof ayaa isku diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan halka la xayiray isticmaalka intarneetka ee Uganda gaar ahaan baraha bulshada.
Goobaha codbixinta oo gaaraya 34,684 ayaa furmay 7-dii aroornimo ee maanta waxaana la xirayaa 5-ta galabnimo.
Sidoo kale waxaa la dooranayaa 528 siyaasi oo ku biiraya baarlamaanka.