DHAGEYSO:Dagaalameyaasha Shabaabka ee lagu dilay dagaalkii Shabeellada Hoose oo la shaaciyay

0
569

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta Soomaaliya Cabdiqaadir Siidi oo warbaahinta kula hadlay Afgooye ayaa faahfahain ka bixiyay Dagaladii Maalinkii Sabtida ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa Waabarigii hore ee Sabtida waxay Weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolka shabeelada Hoose waxaana halkaas lagu dilay Xubno badan oo Shabaab ah sida ay sheegeen ciidanka xogga Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in in ka badan 120 Xubnood oo Al-shabaab ah amiirana ay ku jireen Sabtidii lagau dilay dagaalka gaar ahaan deegaanka Bariire iyo degmada Awdheegle