Waaxda dambi baarista oo bayaan ka soo saartay xashiish lagu qabtay Wajeer

0
405

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay saacado ka hor soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in la filayo in maxkamadda la soo taago tabo eedeysanayaal oo loo haysto ka ganacsiga daroogada.
Shakhsiyaadkan ayaa gacanta lagu dhigay galinkii dambe ee shalay xilli ay adeegsanayeen baabuur siday nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka oo marayay degmada Hadaado ee ismaamulka Wajeer.
Daroogada ay ciidamadu qabteen ayaa lagu sheegay 93 xirmo oo xashiish ah.
Waaxda DCI-da ayaa magacyada eedeysanayaasha ku kala sheegtay Maxamad Coloow oo ah darawalka baabuurka iyo Ibraahim Burji .
Eedeysanayaasha ayay da’doodu tahay 41 iyo 26 sano jir.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen baabuurka oo loo sheegay inuu siday shamiito balse daroogo gudbinayay.
Baaritaan dheer ka dib ayay ciidamadu ogadeen in daroogada uu gaariga siday ay tahay 465 kiilogaraam.
Labada tuhmane ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska waxaana la filataa in marka baaritaanada la soo gabagabeeyo maxkamadda la soo taago si loogu soo oogo dacwad ku aaddan ka ganacsiga maandooriyaha.