Safaaradda boqortooyada Ingiriiska ee Kenya ayaa soo saartay digiin ay ku soo daabacday barteeda rasmiga ee Twitter-ka.
Waxay qoraalka ku sheetgtay in muwaadiniinteeda ama ajaaniibta looga digaya in ay u safraan deegaanada 60 kiilomitir u jira xadka wadamada Kenya iyo Soomaaliya.
Ismaamulladan waxaa ka mid ah Garissa, Lamu iyo Tana River gaar ahaan dhanka waqooyi.
Qoraalka waxaa sidoo kale ku cad 15 kiilomitir ee xeebta laga soo billaabo Tana River ilaa iyo Galana iyo sidoo kale qaybaha kale ee Kenya iyada oo lagu saleynaya halista cudurka COVID-19.
Sidoo kale laga billaabo saqda dhexe ee 9-ka bishan waxaa istaagaya dhammaan duulimaadyada rakaabka ama kuwa ganacsi ee u dhexeya Kenya iyo Ingiriiska.
Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in ay arrinkan dib u eegis ku sameyso muddo 4 toddobaad gudahood ah.