Warbaahinta qaranka ee KBC ayaa ku warramaysa in uu geeriyooday Abraham Kiptanui oo horay maamule uga soo noqday madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee state house.
Mas’uulkan ayaa xilkan hayay muddo dheer xilligii madaxweynii labaad ee Kenya Daniel Toroitich Arap Moi.
Waxaa geeridiisa maanta warbaahinta u xaqiijiyay qoyskiisa.
Qoyska ayaa sheegay in Abraham uu geeriyooday arroornimadii hore ee shalay ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Abraham Kiptanui oo ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital ayaa madaxweyne Moi la shaqeynayay ilaa 1996-dii xilligaas oo uu howlgab noqday.