Hoggaanka Soomaalida oo maalinkii labaad shir uga socdo magaalada Muqdisho

0
576

Waxaa Maalintii labaad ka Socda Xaruntii Hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Magaalada Muqdsho Shirka madaxda dowlada Federaalka,Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirka oo shalay bilowday ayaa wararku sheegayaan in Maanta Madaxdu guda-galayaan ka doodista ajandaha iyo cidda ka soo qayb-galaysa shirweynaha doorashada ee dhawan ka furmaya Magaalada Muqdisho,waxaana lagu diyaarinayaa ajandaha shirarka doorashada.
Wararka laga helayo shirka ayaa waxaay sheegayaan in Maanta ay u dhowdahay in shirka uu isfaham ku dhamaado maadaama madaxda Maamul Goboleedyada ay waqti badan joogaan Magaalada Muqdisho Shalayna waxyaabo dhowr ah la isla eegay.
Wararku waxaay intaasi ku darayaan in Madaxda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada la aragtida ah ay ku adkeysanayaan in Geedi socodka doorashada lagu saleeyo Heshiiskii 17-September ee Muqdisho iyo is afgaradyadii Baydbabo, halka madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ku doodayaan in wax layska weydiiyo dhacdadii 19 Febraayo ee Muqdisho iyo in door la siiyo saamileyda siyaasadeed ee kale.
Wakiilada Beesha Caalamka oo lahaa qaban qaabada Shirka ayaa kor kala socda, iyagoo Madaxda ku cadaadinaya inay gaaraan heshiis si uu u qabsoomo shirweynaha wadatashiga doorashada Soomaaliya oo la doonayo in xal kama danbays ah looga gaaro muranada ku hareeraysan Doorashooyinka Soomaaliya.