Dowladda oo sheegtay in shacabka ay qaateen boqolkiiba 10 ee kaarka Huduma

0
852

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday in ilaa iyo hadda keliya boqolkiiba 10 la qaatay kaarka Huduma ee la soo saaray.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo qorshuhu yahay in mar dhow la billaabo wajiga labaad ee diiwaangelinta.
Bixinta kaarkan dijitaalka ah ayaa looga gol-leeyahay in lagu fududeeyo helidda adeegyada aasaasiga ee ay dowladdu u fidiso dadweynaha.
Waxay dowladdu intaa ku dartay in ilaa iyo hadda 1.3 milyan oo Kenyaan ah aynan weli qaadan kaararkooda Huduma in kastoo ay diyaar yihiin.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa tirada kaararka Huduma ee ilaa iyo hadda ay la wareegeen dadkii loogu talagalay ku sheegay 200,000.