Dowladda Kenya ayaa hay’adda lacagaha adduunka IMF ka heshay dhaqaale dhan 255.1 bilyan oo shilin oo amaah lacageed ah.
Deyntan ayaa u dhiganta 2.34 bilyan oo doolar.
Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID-19.
Qaybta ugu horreysa lacagtan oo dhan 33.5 bilyan oo shilinka dalka ay dowladda heli doonta maalmaha soo socda.
Horaantii bishii Labaad ayay ahayd markii hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ay wadanka yimaadeen islamarkaana lagu heshiiyay in Kenya la siiyo amaah lacageed.
Saraakiishii mataleysay hay’adda IMF ayaa xilligaasi la kulmay wasiirka maaliyadda Ukur Yatani, madaxa bangiga dhexe ee (CBK) Patrick Njoroge, madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Joseph Kinyua iyo mas’uuliyiin kale.