Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil tareen oo laga soo tabiyay jasiiradda Taiwan.
Ugu yaraan 48 qof ayaa shilkaas ku nafwaayay halka dhaawaca uu yahay 66.
Shilka ayaa yimid ka dib markii saaka uu tareenka ka baxay khadkii loogu talagalay ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Wasiirka gaadiidka ee Taiwan Lin Chia-lung ayaa sheegay in tareenka uu siday 490 qof oo rakaab ah in kastoo waaxda dab damiska ay horay tiradan ku sheegtay 350.
Shilka ayaa lagu sheegay midkii ugu saameynta badnaa marka la eego khasaaraha ka dhashay ugu yaraan muddo 40 sano ah.