Qaraxyo iyo rasaas xooggan oo laga maqlayo huteel ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho

0
301

Jugta qaraxyo xooggan iyo rasaas ayaa caawa fiidkii laga maqlay aaga xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in huteel ku yaalla la weerarray.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyada.
Waxaa wararka la helay ay sheegayaan in la weerarray huteel lagu magacaabo Pearl Beach, kaas oo horay loo aqoon jiray Ocean View.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyada ka dib rag hubeysan ay gudaha u galeen huteelka.
Gobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas xooggan la maqlayo.
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala xeebta Liido, iyaga oo u diidaya in gaadiidka iyo dadka galaan aagaasi.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan, iyadoo la soo badbaadiyay qaar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa.
Wixii qodobkan ka soo kordho halkan aad kala socon doontaan.