Laamaha ammaanka ee dalka oo shaaciyay in duuliye ka tirsan Al-Shabaab uu weerar qorsheynayo

0
583

Sida ay baahisay warbaahinta qaranka ee dalka ee KBC ayaa laamaha ammaanka ee dalka waxaa ay dadweynaha ka codsadeen inay la wadaagaan macluumaad ka dhan ah nin lagu magacaabo Rashid Mwalimu kaas oo ay si weyn u doonayaan ciidamada la dagaalanka argagixsada.
Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee dalka ayaa sheegay in ninkaas uu yahay duuliye diyaaradeed oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab isaga oo qorsheynaya inuu dalkani Kenya weerraro ka gaysto.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen laamaha amaanka in Rashid Mwalimu uu khibradiisa duuliyenimo uu u adeegsan karo inuu weerarro dhanka duulimaadyada u dalka ka geysan karo.
Ciidamada ayaa sheegay in Rashid Mwalimu uu tababar heer sare ah ku soo qaatay Akadeemiga All-Aisa ee wadanka Filibiin.
Ciidamada la dagaalanka argagixisada Kenya oo ninkaas u arko inuu halis yahay ayaa hadda baadigoob weyn ugu jira.