Soomaaliland oo xireyso goobaha waxbarashada

0
611

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Soomaaliland Axmad Maxamad diiriye ( Toorno) ayaa shaaciyay in Dugsiyada Waxbarashada fasax yihiin laga bilaabo 13-ka bisha soo socota ee sanadkan, ilaa laga gaaro 3-da Bisha toddobaad ee 2021-ka.
Wasiirka oo Warbaahnta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xaaladda Coved-19 awgeed gabi ahaanba fasax lagaliyay goobaha waxbarasho ee Somaliland.
Waxaa uu ku amray Maamulayaasha Iskuulada ku yaal degaannada Soomaaliland inay qaataan amarka Wasaaradda waxbarashada oo ay fuliyeen, isla markaana ay xiraan goobaha Waxbarashada si looga feejignaado faafitaanka Cudurka COVID-19 ee Bulshada dhexdeeda ah.
Degaannada Soomaaliland ayaa waxay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee laga helay kiisaska Cudurka Coronavirus, waxaana u geeriyooday dad badan halka dad kale ay wali la jiifaan Cudurka.