Ku xigeenka madaxa bangiga dhexe ee Turkiga oo xilka laga qaaday

0
463

Digreeto ka soo baxday madaxtooyada dalka Turkiga ayaa xilka looga qaaday ku xigeenkii madaxa bangiga dhexe ee wadankaas Murat Cetinkaya.
Arrinkan ayaa maanta lagu daabacay wargayska rasmiga ee dowladda wadankaas.
Xilka laga wareejiyay Murat ayaa loo magacaabay Mustafa Duman.
Duman ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay waaxyaha maaliyadeed, maareynta halista dhaqaale iyo maamullada hanti dhowrka.
Digreetada laguma caddeyn sababta xilka looga qaaday guddoomiye ku xigeenkii bangiga dhexe ee Turkiga.