Maxkamadda Gobolka Mudug ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ganaax min 700 boqol oo doolar ah ku riday 31 Ruux oo ah Kaluumeysato si sharci darro uga kaluumeysanayay Biyaha xeebaha Soomaaliya ee u dhaxeeya Magaalooyinka Xarardheere iyo Hobyo ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Dadkaan ayaa la socday hal doon waxayna Doontaan Oo Aay Dhawaan Soo Qabteen Ciidamada ilaalada Badda iyo xeebaha Galmudug dadkii la socday Horkeeneen Maxkamadda.
Kaluumeysatadaan Sharci Darrada ah ayaa waxaa laga la wareegay doontii iyo qalabkii ay wateen, iyo sidoo kale lix tan oo kaluun ah oo laga jilaabtay badda Soomaaliya, dhammaan dadka la xukumay waxay kasoo jeedaan dalka Yemen, Marka laga reebo hal nin oo turjumaan Soomaali ahaa.
Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 ruux, hase ahaatee 8 ka mid ah ayaa ah Caruur aan qaangaar ahayn sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu eedaysaneyaashaan la Horkeenay
Maxkamadda ayaa u digtay doomaha iyo ganacsatada sida sharci darrada ah uga kaluumeysta Biyaha Soomaaliya.
Wasaaradda Amniga Gudaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa soo dhowaysay xukunka ay maxkamaddu gaartay, ayadoo sidoo kale ay wasaaraddu ammaantay ciidamada ilaalada badda ee deegaanada Maamulka Galmudug oo ku guulaystay howlgalo ay ka fuliyeen xeebaha Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayna ku soo qabteen kooxdaan Kaluumeysatada sharci darrada ahaa.