Militariga Myanmar oo hub ku soo iibsaday in ka badan hal bilyan oo doolar

0
291

Militariga dalka Myanmar ayaa tan iyo markii uu bishii Labaad ee sanadkii 2021-kii uu hoggaanka wadankaasi kula wareegay qaab afgembi ah waxay hub ku soo iibsadeen in ka badan hal bilyan oo doolar.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha baniaadannimo ee Myanmar Tom Andrews ayaa sheegay in hubkan badankiisa laga keenay waddamada Ruushka, Shiinaha iyo shirkado laga leeyahay Singapore.
Arrimahan ayuu ku shaaciyay warbixin uu ku soo bandhigay magaalada New York ee Maraykanka.