Waxaa lagu soo warramayaa inay xiisad ka taagan tahay aagga Loruk ee Waqooyiga ismaamulka Baringo ka dib weerar burcadnimo oo ay koox fulisay.
Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu falkaasi ku dhaawacmay.
Kooxda ayaa dhanka kale la baxsatay ugu yaraan 300 oo neef oo lo’ ah.
Qofka la toogtay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus iyadoo xoolaha la dhacay loo kaxeeyay dhanka buuraha Paka ee deegaanka Tiaty.
Burcadda oo ay wararku sheegayaan inay aad u hubeysnaayeen ayaa weerarka gaystay abaare 12-kii duhurnimo ee shalay xilli lo’da la daajinayay.
Kooxda ayaa dadkii xoolaha la jiray si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay ilaa ay kala cararaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliiska oo ay rasaas iswaydaarsadeen burcadda laga taag roonaaday.
Dhacdadan ayaa shacabka Tiaty ku qasabtay inay dukaamada xiraan iyagoo ka cabsanaya duullaan aargoosi ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay deegaanadaasi ka socdaan munaasabado duco ah oo ay hor kacaysa marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto oo la doonaya in dib loo soo celiyo xasiloonidii 6 ismaamul oo ay si wayn u saameeyeen falalka burcadda ee isugu jira dilalka iyo dhaca xoolaha.