Ragga oo loogu baaqay inay ku biiraan dagaalka ka dhan ah FGM

0
289

Ururka horumarinta dumarka ee dalka ayaa ragga ugu baaqay inay qayb ka noqdqan oo ay door firfircoon ka qaataan dagaalka lagula jiro gudniinka fircooniga ee FGM-ka iyo guurka xilliga hore ee gabdhaha.
Waxaa baaqan soo saartay guddoomiyaha ururka horumarinta haweenka , Rahab Mwikali.
Xilli ay ismaamulka Embu kulan kula qaadatay hoggaamiyaal ka soo jeedo deegaannada toddobo ismaamul ayay Rahab sheegtay in ragga oo ololahan laga qayb geliyo ay tahay waddada saxda ah ee lagu cirib tiri karo gudniinka fircooniga.
Waxay intaasi ku dartay in si dhaqankan looga gudbo ay tahay in aan loo arkin mid saameynaya haweenka iyo gabdhaha yaryar keliya.