Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa kulan la qaadatay guddoomiyaha cusub ee guddiga maamulka KEMSA Irungu Nyakera.
KEMSA ayaa qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad.
Kulanka oo ahaa mid wada tashi ah ayaa looga gol-lahaa xal u helidda caqabadaha uu wajahaya maamulka KEMSA iyo dhaqangelinta isbeddelo meesha looga saaraya fadeexadaha soo noqnoqday.
Intii uu shirka socday, wasiiradda caafimaadka ee dalka ayaa muujisay sida ay wasaaradda iyo guud ahaan dowladda diyaar ugu yihiin in la guda galo geeddisocodka isbeddel lagu wanaajinaya waxqabadka maamulkan.
Nyakera iyo Nakhumicha ayaa isla eegay qodobbo ay ka mid yihiin sare u qaadidda daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka dhanka soo iibinta qalabka iyo qaybinta agabka caafimaad.
Waxay isku afgarteen inay lagama maarmaan tahay inay is kaashadaan daneeyayaasha kala duwan ee waaxda caafimaadka si loo hubiyo in dhammaan kenyaanka ay helaan adeegyo tayeysan.
Susan Nakhumicha ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in Nyakera uu qaab wanaagsan u hoggaamin doono KEMSA iyadoo u rajeysay inuu ku guulaysto waajibaadka loo igmaday.
Following the leadership changes at KEMSA, I met the newly appointed Chairperson of the Board @wnyakera and emphasized the need for a total re-engineering in KEMSA's operations to ensure timely and cost effective delivery of medical supplies to County and National Government… pic.twitter.com/NCHXvoqBdx
— CS Nakhumicha S. Wafula (@Nakhumicha_S) May 16, 2023