Arday 18 sano jir ah oo fasalka 4-aad ee dugsiga sare ka dhiganayay dugsiga sare ee Faza ee ismaamulka Lamu ayaa geeriyooday aroornimadii hore ee shalay, ka dib markii la sheegay in toorrey lagu dhuftay.
Dhacdadan ayaa timid ka dib gacan ka hadal ardayda dhexmaray sida ay wararku sheegayaan.
Dilkan ayaa lala xiriirinaya eedeysane 17 sano jir ah oo isna dhiganayay fasalka saddexaad ee dugsigaasi oo baxsaday ka dib markii uu falkan gaystay.
Dhacdadan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Mr. Caabud Maxamad oo ka mid ah duqayda deegaanka iyo maamulaha dugsiga sare ee Faza Mr. Shoka.
Sida uu sheegay goobjooge, labada arday ayaa waxaa dhex maray dagaal xilliga nasashada ka hor inta uusan mid ka mid ah mindi dhabarka ka gelin kan kale.
Waxaa uu sheegay intii aysan gacan ka hadalka billaabin labada arday inay isdhaafsadeen ereyo qalafsan ka dibna midkood uu mindida la soo baxay.
Ardayga ayaa loola cararay isbitaalka Faza ee heerka afaraad isagoo xaaladdiisu liidato balse nasiib darro waxaa la sheegay inuu geeriyooday markii xarunta la geeyay.
Waxgaradka deegaanka ayaa maamullada kala duwan ka codsaday in gacanta lagu soo dhigo eedaysanaha oo cadaaladda la marsiiyo.
Maamulaha dugsiga ayaa xaqiijiyay shilkan balse dhanka kale waxa uu sheegay in uunan gudaha dugsigaasi ku sugnayn xilligii ay dhibaatadan dhaceysay.
Booliska ayaa billaabay baaritaano ku aaddan dhacdadan iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa tuhmanaha baxsadka ah.
Hoggaamiyayaasha bulshada ayaa dhankooda waxay ku baaqeen nabad iyo xasilooni inta ay sugayaan in baaritaanada la soo gabagabeyo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay muujineyso baahida loo qabo in iskuullada ay dejiyaan tallaabooyin looga hor tagayo falalka noocaan ah ee ay ardaydu isku waxyeeleyaan.