Guddiga Qaran ee Mideynta iyo Isdhex-galka ee NCIC ayaa dib u heshiisiin ka bilaabay ismaamulka Marsabit kaas oo u dhaxeeya wasiirka maaliyadda Ukur Yatani iyo barasabka kountigaasi Maxamed Maxamuud Cali.
Arrintan ayaa looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaad sannado badan ka taagneyd halkaasi.
Guddiga NCIC ayaa kulamo nabadeed u qabtay labada mas’uul iyo hoggaamiyayaal kale oo ka soo jeeda isla ismaamulkaasi kaas oo lagu qabanayo dawlad deegaanka Laikipia.
Barasabka iyo wasiirka ayaa ka soo kala jeeda labo qowmiyadood oo in muddo ah ku dagaalamayay halkaasi.
Arbacadii hore ayaa waxaa degamada Gof-Choba oo hoos tagata deegaanka Sololo lagu dilay saddex qof oo xoola dhaqata ah.
Isku duwaha amaanka ee gobolka Bari ee dalka Isaiah Nakoru ayaa colaada ku eedeeyay inay hormuud u yihiin siyasiyiinta.