Dalxiisayaasha ku kala sugan qaybaha kala duwan ee dalka ee doonaya inay dib ugu laabtaan dalalka ay ka soo jeedaan iyagoo u sii maraya magaalada Nairobi ayaa haysta ilaa maalinta berri ah ee 12-ka Duhurnimo
Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Najiib Balala ayaa sheegay in dalxiisayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ahba ay haystaan ilaa 29-ka bishaan oo berri ku beegan wixii ka dambeeya duulimaadyada iyo safarrada ay joogsan doonaan.
Waxaa sidoo kale dadka qorsheynaya in yimaadaan dalka islamarkaana doonaya in ay booqdaan meel ka baxsan magaalada Nairobi ay haystaan ilaa berri duhurkii hadii kale waxay khatar ugu jiraan inay ku xirmaan gudaha caasimadda wadanka.
Dhammaan rakaabka imaanaya dalka ayaa laga doonaya inay wataan shahaado muujineysa in laga waaay xanuunka Covid-19 iyadoo natiijo ay soo baxday 96 saacadood ka hor inta uusan qofku imaan dalka.