Xildhibaano laga joojiyay ka qaybgalka kulamada baarlamaanka Soomaaliya

0
651

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan ayaa shaaciyay liiska 15 xildhiban oo laga joojiyay ka qeyb-galka kulamada soo socda ee Baarlamaanka.
Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha oo la ogeeysiiyay, Madaxa Habdhawrka Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, iyo Ciidanka Amniga Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in 5 kulan aysan iman Karin 15 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Xildhbaannadaan ayaa sababaha looga joojiyay ka qeyb-galka 5 kulan ee golaha Shacabka waxaa lagu sheegay inay is hor-istaag ku sameeyeen furitaanka kulankii shalay ee Golaha Shacabka kaasoo buuq ka dhashay.
Xildhibaannada fadhiyada soo socda ee Golaha Shacabka uu guddoonka Goluhu kajoojiyay ayaa waxaa Magacyadooda ay kala yihiin.

  1. Xil. Elmi Mohamed Nur
  2. Xil. Hussein Qasim Yusuf ldow
  3. Xil. Mustaf Sh Ali Dhuhulow
  4. Xil. Abdulahi Mohamed Nur
  5. Xil. Mahad Maxamed Salaad
  6. Xil. Abdirasaq Omar Mohamed
  7. Xil. Mohamud Abdirahman Beene beene
  8. Xil. Mohamed Ali Omer
  9. Xil. Faisal Abdille Guled
    10.Xil. Abdullahi Yusuf Hassan-Alankey
    11.Xil. Abdirashid Mohamed Xidig
    12.Xil.Jibril Abdirashid Haji
    13.Xil. Mohamed Ahmed Abtidon
    14.Xil. Sadiq Hirsi Warfa
    15.Xil Hassan Abdi lsmail- Hassan Yare
    Xildhibaan Sadiiq Xeri Warfaa oo kamid ah Xildhibaannada fadhiyada laga joojiyay ayaa sheegay in Go’aanka uu qaatay guddoomiyaha uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana aysan amarkiisa u hoggaansami doonin ayna tegi doonan Kulamada Golaha shacabka sida uu hadalkiisa u dhigay.