Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u magacaabay Richard H. Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka ku matali doono Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo wadankaasi.
Safiirka cusub ee Soomaaliya loo magacaabay ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaraddeeda ee dalka Canada.
Richard H. Riley ayaa horay uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afghanistan, Ciraaq, UK, Shiinaaha, Ruushka iyo Yemen.
Danjiraha cusub ayaa beddelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre.