Diyaarado ciidan oo ku burburay Maraykanka

0
245

Labo ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidamada militariga Maraykanka ayaa burburay xilli lagu guda jiray tababar.
Dhacdooyinkan ayaa laga soo tabiyey gobolka koonfurta bari ee Kentucky ee Maraykanka.
Haweeney afhayeen ah oo u hadashay militariga dalkaasi Nondice Thurman ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aan faahfaahin laga hayn xaaladda shaqaalaha diyaaradaha burburay.
Sidoo kale waxaan weli caddeyn tirada dadka ee ay sideen laba diyaaradood.
Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa sheegay in la filan karo in dhimasho ay ka dhalato shilkaasi.
Waxaa uu intaasi ku daray in booliiska iyo saraakiisha waaxda maareynta xaaladaha degdegga ah inay hadda howlgaleen.
Waxaa socdo baaritaan ku aaddan sababta keentay in diyaaradaha ay burburaan.