DHAGEYSO:Madaxweyne C/qaasim Salaad oo baaq u diray kuwa doorashada Soomaaliyda diidan

0
613

Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Dowlada Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa ku booqday hoyga uu Magaalada Qaahira ka deggan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi qaasim Salaad Xasan.
Madaxweyne C/qaasim Salaad ayaa dhamaan dhinacyada Soomaalida gaar ahaan kuwa siyaasada ku jira iyo waxgaradka wuxuu ugu baaqay inay u midoobaan danaha dalkooda islamarkaana ay wadanka u turaan isagoo sheegay in qofkasta oo dalkiisa dhibaateeyay uu rabigiisu kula Xisaabtamayo,isagoo Ayaan Daro ku Tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay noqdaan Qaxooti aan dhamaad lahayn oo dalalkale dulsaar ku ah Sanado badan.