DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo shacabka ugu baaqay in ay tallaalka COVID-19 qaataan

0
460

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo saaka wareysi gaar ah siiyay idaacadda maxalliga ee Radio Citizen ayaa dadweynaha ka codsaday in ay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa uu xusay in cid kasta oo bulshada ka mid ah xita madaxda ay mas’uuliyad shakhsiyeed ka saaran tahay badbaadinta noloshooda.
Ruto ayaa intaa ku daray in dowladda ay sameynayso wax kasta oo suurtagal ah si loo yareeyo faafidda cudurka COVID-19
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta ay diyaar u yihiin in ay qaataan tallaalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan dadweynaha.