Dowladda oo dugsiyada sare ku wareejisay 7.5 bilyan oo shilin

0
426

Warbaahinta qaranka ee KBC ayaa ku warramaysa in dowladda dhexe ay dugsiyada sare ku wareejisay lacag dhan 7.5 bilyan oo shilin .
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo berri ay billaaban doonaan imtixaannada qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE)
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in bisha Afaraad ee sanadkan dugsiyada ay heli doonaan lacagaha haray oo ah boqolkiiba 50 dhaqaalaha loogu talagalay.
Magoha ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kisumu carrabka ku dhuftay in lacagtan loo adeegsan doono tasiilaadka imtixaannada qaran.
Wasiirka ayaa dhanka kale cid kasta oo qayb ka ah maareynta imtixaannada shahaaddiga ah u xaqiijiyay in aynan ka soo dib dhici doonin oo xilliga ku habboon ay helayaan lacagaha lagu heshiiyay.
Prof. Magoha oo faahfaahin ka bixinaya qorshaha dowladda ee imtixaanka qaran ee KCSE-da ayaa sheegay in xarun kasta oo ay iska diiwaangeliyeen in ka badan 400 oo arday ah la geyn doono saddex sarkaal oo boolis ah.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in tirada booliska ee ka howlgalaya goob kasta oo imtixaanka lagu sameynaya ay noqoto labo.
Wasiirka tacliinta ee Kenya ayaa intaa ku daray in dugsiyada horay loogu bartay khiyaano ama xatooyada imtixaannada dabagal dheeraad ah lagu sameyn doono.
Prof. George Magoha ayaa mar kale ardayda sanadkan sameeynaya imtixaanka KCSE-da uga digay in ay qish isku dayaan.
Waxaa uu ku boorriyay in ay isku kalsoonadaan oo ayna deganaansho muujiyaan xilliga ay ka jawaabayaan su’aalaha maadooyinka kala duwan.
Sidoo kale wasiirka ayaa in ka badan 1.9 milyan oo ah ardayda sanadkan sameeyay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ku ammaanay in ay si nabad ah ku dhameystireen howshan.
Maamulayaasha dugsiyada ayuu wasiirka tacliinta ku boogaadiyay in ay dhaqan geliyeen dhammaan tilmaamaha ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Wasiir Magoha ayaa sheegay in intii uu socday imtixaanka KCPE-da aan dugsiyada laga soo dhex tabin hal kiis oo coronavirus ah.