Imtixaannada qaran ee KCSE-da oo berri billaabanaya

0
393

Waxaa uu qorshuhu yahay in berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bishan uu si rasmi ah u billowdo imtixaanka qaran ee shahaaddiga ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare.
Sanadkan waxaa imtixaanka KCSE-da sameyn doono arday dhan 752,981 .
Imtixaanka ayaa lagu sameyn doonaa 10, 437 oo xarumood sida laga soo xigtay golaha imtixaanada qaran ee KNEC .
Waa markii ugu horreysay oo imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah ay ardayda sameynayaan bisha saddexaad maadaama cudurka COVID-19 uu carqaladeeyay jadwalkii waxbarasho ee dalka.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa sheegay in aynan jirin wax warqad imtixaan oo la helay ama cid loo dusiyay isagoo ardayda imtixaanka sameynaya uga digay in ay khiyaano ama xatooyo isku dayaan.
Waxaa uu sheegay in ay ka war qabaan qorsho ah in arday dhigata jaamacadaha wadanka ay qaar ka mid ah kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare u sameyaan KCSE-da balse aan lagu guulaysan doonin.
Saraakiisha wasaaradaha kala duwan si gaar ah kuwa tacliinta iyo arrimaha gudaha ayuu Magoha ka codsaday in ay iska kaashadaan maareynta imtixaannada.