UNHCR oo ka hadashay qorshaha Kenya ay ku xireyso xeryaha Dadaab iyo Kakuma

0
1622

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR laanteeda Kenya ayaa sheegtay in Kenya ay ha’yadda ku wargelisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xirto xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma muddo gaaban gudahood.
UNHCR waxay sheegtay in go’aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu caalamka saameeyay cudurka dunida halakeeyay ee Covid-19.
Waxaa ay intaa ku dartay inay sii wadi doonto wadahadallada ay arrintan kala yeelaneyso mas’uuliyiinta Kenya ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka.
“UNHCR waxay taageero la garab taagan tahay dowladda Kenya gaar ahaa in lasii xoojiyo howlaha socday si xal loo gaaro isla markaana loo helo nidaam iyo kala dambeyn si loo qadariyo dadka qaxootiga” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda UNHCR.