Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay hadalkii wasiirka arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda Somaliland ee ahaa in ciidamada Somaliland ay la dagaalamayaan aragaxiso iyo maleeshiyaad ku xiran Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay xilli uu waraysi gaar ah siiyay laanta BBC-da qaybteeda focus on Africa, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ee Somalimemo.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay xaqiijineyso in hadalka ka soo yeeray Somaliland uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, sida lagu baahiyay Somalimemo.
Al-Shabaab ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in aysan aqbaleyn in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu baneysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.
Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood dagaal dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.
Dagaalkaas ayaa sababay barakac ballaaran oo dadku u qaxayaan deegaannada nabdoon ee u dhow magaalada Laascaanood.